Hordhac
Maanta waa maalin,aan la mid eheen Maalmihii &Bilihii na soo dhaafay,maxaa yeelay maantay oo aay Taariikhdu ku beegantahay(09-05-1952).
Waa maalin si aad u weyn,oo aay xusuusanyihiin,intii waqtigaasi Cimrigooda Rabi gaarsiiyay,& inta xeel-dheerayaasha ah,oo Rabi iyagana ugu deeqay,Caqliga & aqoonta.
Anigoon rabin in aan difaaco Qoowmiyad aan difaac u baayneen & Xizbi aay u jeedooyinkiisii aay sida Qoraxda u cadeyd,oo aan qarsooneeyn darteed ayaan rabaa kaliya in aan noqdo,Tuse & Tusaaleeye,guud ahaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Qowmiyad-weynta Digil&mirifle,maxaa yeelay waxaan rabaa oo kaliya baahida loo qabo in wax-walba Runta laga sheego,sheeywalbana aan loogu yeerin Magac uusan laheen,iyo in aan u sheego kaliya Taariikhda in eeysan Duugoobeynin,lana qarin karin si walba oo la isugu dayo,waa sida
Qorax soo baxday oo aan sacab lagu qarin karin,waxaan Qalinka ugu qaatay qormooyinka Taariikhda,kaliya waxeey tahay in guud ahaan waxgaradka soomaalida in aay bartaan taariikhda Runta(sax&qalad)..Runteeda&Beenteeda.
09-05-1952,waa maalin,aad u muruga badan,oo dib u gocosha badan aay xasuusineeyso,dhamaan Qowmiyad-weynta Digil&mirifle,gaar ahaan,wax-garadka.
Maalintan,waa maalin Qowmiyada Digil&mirifle meel walba aay ku noolyihiin dunida,aay u baroor-diiqayaan,Halyeey,Shihiid,Ustaad Usmaan Maxamed Xuseen.
Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqayaa dhamaan qalinleyda Qowmiyad-weynta Digil&Mirifle,in aay xil aad u weyn aay iska saaraan soo uruurinta,Taariikhda, Dhaqanka & Afka,maxaa yeelay Ummad hadeeysan laheen (Taariikh, Dhaqan & Af) ummadaasi ma ahan ummad jirta.
Waa Qalinkii>Lecturer,Cali Cabdi Baab.
La soco qeybaha kale (hadii Rabi Idmo).