Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)? Sidee looga hortagi karaa?
02/02/2012

Qaamo-qashiir waa cudur ku badan caruurta wuxuuna ku dhacaa qanjirka lagu magacaabo "Parotid Gland", qanjirkaan wuxuu ka mid yahay qanjirrada soo daayo calyada.

Waxaa badanaa keeno caabuq feyruus waxaana calaamadihiisa ka mid ah:

-    Barar iyo xanuun markii wax la calaanjinayo (bararka wuxuu noqon karaa hal dhinac laakiin wuxuu u badanyahay in labada qanjir ay bararaan)
-    Qandho
-    Madax xanuun
-    Xanuun xiniinyaha ah (isla feyraska keena qaamo-qashiirka ayaa keeno caabuq xaniinyo kaaso hadii aan la daaweyn u keeni kara dhalinyarada dhalmo l''aan)
-    Calaamadaha waxaa ka mid ah: afqaleel, dhago-xanuun iyo in codka uu xirmo.
-    20% ka mid ah ilmaha ku dhaco qaamo-qashiirka wax calaamado ah ma yeeshaan waxayna halis leedahay in cudurka uu ku faafiyo caruur kale iyadoo aan laga warqabin.

Markii cudurka caruurta ku soo socdo waxaa lagu fahmaa qandho, madax xanuun, cunno xumo iyo tabardarri.

Badanaa cudurka wax baaritaan ah laguma sameeyo oo waxaa lagu gartaa muuqaalka iyo calaamadahiisa.

Qaamo-qashiirka waa cudur ay isku gudbin karaan caruurta wuxuuna ku gudbaa calyada markuu qofku qufaco ama hindhiso.

markii caruurta ku dhaco cudurkaan waxay ku gudbin karaan muddo 2 isbuuc ah gudaheeda.

Qaamo-qashiirka malahan daawo u gooni ah waxaa loo isticmaalaa daawo kaalmaati ah sida qandho jabis, in biyo iyo cusbo lagu luqluqdo iyo cabitaan badan.

Ilmaha in aan la siinin furuutka iyo waxyaabaha aashitada leh inta xanuunka hayo maadaama waxyaabahaas ay kiciyaan qanjirrada calyada taasoo xanuunka uga sii dari karta.

Qaamo-qashiirka waa cudur iska baaba''a iyadoo uusan gaysan dhibaato weyn.

Qaamo-qashiirka waxaa looga hortagi karaa tallaal loogu tala galay oo la siiyo caruurta.

Xigasho: SomaliDoc.com




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.